
Horey waxey sidan oo kale xoogagga TPLF u weerarreen magaalooyinka Bahar Dar iyo Gonder oo ka wada tirsan gobolka Amhara ee dalka Itoobiya.
Weerarka xalay lagu qaaday magaalada Asmara ayaa sababay cabsi weyn oo soo food saartay dadka rayidka ah oo intooda badan isaga cararay guryihiin ay ku noolaayeen.
Madaafiicdan qaarkood ayaa ku dhacay xarunta Wasaarradda Warfaafinta iyo Garoonka diyaaradaha dalkaasi Eritrea lamana khasaaraha ka dhashay.
Dagaalka ka soconaya gobolka Tigrayga ayaa u muuqda hadda mid saameyntiisa laga dareemayo deegaanno ka baxsan halka lagu dirirayo iyadoo ay jiraan baaqyo kala duwan oo loo jeedinayo dhinacyada dagaalamaya.