
Wasiirka arimaha gudaha ayaa waxaa maalma kahor looga yeeray baarlamaanka si maanta oo Axad ah uu u hor tago, waxaana lafilayaa in su’aalaha lawey diin doono ay u badnaadaan amaanka Muqdisho ee faraha kasii baxaya iyo sidoo kale dagaalada sokeeye ee reerkiisu ku lugta leeyihiin ee ka qarxay gobalka Sh/hoose.
Lama oga sida wasiirku uu uga jawaabi doono su’aalaha laweyndiin doono hasa yeeshee waxaa jirta in kadib markii baarlamaanka looga yeeray uu socdaal ku teegay gobalka Sh/hoose si uu xal ugu helo su’aalaha qaar ku soo wajahan.
Wasiirka ayaa waxa uu yahay wasiirka ugu liita wasiirada dalka ee shaqadiisu gaabis noqotay maadaama amaanka dalku uu faraha kasii baxay kadib markii uu ku fariisay kursigaas quwada badan.
Horay ayaa su’aalo xagga amaanka Quseeya Guuleed waxaa loogu weydiiyay Baarlamaanka kadib markii nabad sugiddu ay xasuuqday maxaabiis inkasta oo su’aalahaas uusan uga jawaabin si saraaxad leh oo lagu qanci karo.