
Qaraxa ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu ahaa Ismiidaamin gaari ah, waxa uuna ka dhacay Dugsiga Banaadir inta u dhexeyso Lamber Afar iyo Tarbuunka, wallow aan wax faahfaahin ah laga heynin qaabka uu qaraxa u dhacay.
Waxaa la maqlaaya Rasaas oo ay kor u ridayaan Ciiddamadda Dowladda Somalia, waxaana la sheegaya in xarunta ay gudaha usii galeen Ciiddamo ka tirsan Alshabaab wallow aan la Ogeyn tiradooda.